Midowga Musharixiinta oo madax goboleedyada u gudbiyey codsi cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen kulankii gaarka ahaa oo ay Maanta la qaateen madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharixiina Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ay la wadaageen dareenka ay qabaan xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo doorashooyinka aan weli heshiiska laga gaarin.

Daahir Geelle, oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in hagar daamooyin ay soo gaareen doorashooyinka, islamarkaana inay meel mari waayaan uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Musharax Daahir Geelle ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu hor istaagay wax kasta oo sahli karay inay dalka doorasho ka dhacdo, waxaana suu si cad u sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada ka dalbadeen in kaalintooda kaga aadan ka qaataan Arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Musharax Daahir Geelle in Madaxda dowlad Goboleedyada ay ka codsadeen in howlaha amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si aysan u dhicin dhacdooyin la mid ah kuwii 19-kii Febaraayo.

19-kii Febraayo ayaa ciidamo ka amar qaata madaxweyne Farmaajo waxay Muqdisho ku rasaaseeyeen shaca si nabdoon u dibad-baxayey ayaga ku dilay dhowr ka mid ah, dhacdadaas oo si weyn loo cambaareeyey.