Madax goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir ku leh XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga arrinsanayo khilaafka hareeyey hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

Wararka laga helayo xerada Xalane ayaa ku warramaya in goor dhow shir u dhexeeya madax goboleedyada iyo gudoomiyaha Aqalka Sare uu ka furmay hotel ku yaalla garoonka Aadan Cadde.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Cabdi Xaashi oo dhinac ah.

Ilo ku dhow kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saarayo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka iyo tabashada uu qabo guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadda hoggan u ah Madasha Bad-baado Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya kulankani uu sidoo kale gogol xaar u yahay shirka arrimaha doorashooyin ee loo dhan yahay ee dowladda iyo dowla goboleedyada, iyaga oo  wada-hadlayo dejinta ajenda la’isla ogol yahay oo looga hadlo shirweynahaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kulamadii ay yeeshaan madax goboleedyada laga gaaray is-fgarad horudhac ah oo ku aadan in lasii wado wada-hadallada socda.