Danab oo duleedka Janaale ku dilay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Sh/Hoose

Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Jannaale, waxay ku dileen madaxii qaraxyada ururka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dagaalamayaal kale.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa baahisay in saraakiil ka tirsan Danab ay u sheegeen in howlgalkaas lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Ismaaciil Jiis oo ahaa madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada laga fuliyo gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale ugu yaraan 10 dagaalame oo la socday sarkaalkaas ayey sheegeen in shalay lagu dilay howlgalkaas oo si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Buulo-Xaaji oo u dhaw deegaanka Jannaale.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii ay Danab ka war heshay qorshe aan la shaacin waxa uu ahaa oo ay damacsanaayeen Al-Shabaabkii lagu weeraray tuulada Buulo-Xaaji, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Waxay tilmaameen saraakiishu in qorshaha howlgalkaas uu ahaa in la dilo sarkaalkaas ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa, sidoo kale ciidamada ayaa tuulada Buulo-Xaaji iyo nawaaxigeeda waxay ka sameeyeen howlgallo kale in kastoo aan la shaacin cid lagu soo qabtay ama lagu khaarajiyey.