Aqriso Magacyada: Rooble oo magacaabay guddi heer wasiir oo 8 xubnood ah + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda oo ka kooban 8 xubnood islamarkaana ka shaqeyn diyaarinta iyo qabashada xuska maalmaha xoriyadda.

Rooble ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray ee u uku magacaabay guddiga, waxa uu ku faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga ee ku magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1- Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2- Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga
3- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda
4- Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka iyo Maareynta. Masiibooyinka
5- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
6- Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha
7- Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho
8- Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta