Kenya oo ku hanjabtay tallaabo cusub oo la xiriirta duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku hanjabtay inay qaadeyso talllaabo cusub oo ay gebi ahaanba ku joojineyso duulimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo hadda u furan hay’adaha QM iyo kuwa gargaarka bani’aadanimo kadib markii laga xiray shacabka. 

Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ku wargalisay dhammaan ergooyinka Diblomaasiyadeed, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Nairobi inay ogaatay si qaldan u isticmaaleen fasaxii loo siiyey duulimaadyada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga iyo QM loo fasaxay duulimaadyada bini’aadanimo, kadib markii la joojiyey duulimaadyada Soomaaliya, hase yeeshee ay ogaatay inay ku xadgudbeen fasaxii la siiyey islamarkaana duulimaadyada loo adeegsaday arrimo siyaasadeed iyo kuwa ka horimanaya amarkii lagu joojiyey duulimaadyada. 

“Wasaaraddu si kastaba ha noqotee, waxay ka xuntahay inay ku wargeliso inay ogaatay in si qaldan loo adeegsaday duulimaadyada bani’aadanimada ee labada dhinac iyo arrimo siyaasadeed oo ka soo horjeedda NOTAM iyo ogeysiiskii ahaa in xiriirkii hawada ee u dhexeeyay Kenya iyo Soomaaliya la joojiyay,” ayaa lagu yii qoraalka.

Wasaradda Arrimaha Debadda Kenya ayaa ugu baaqday hey’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Calamiga ah inay Dowladda Kenya siiyaan liiska rakaabka iyo badecooyinka loo qaadayo Soomaaliya ka hor inta aan la siin ogolaanshaha.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii ku hanjabtay inay joojin doonta dhammaan duulimaadyada bin’aadanimada ee Soomaaliya haddii aan si sax ah loo isticmaalin duulimaadyaas.

“Wasaaradda waxay mar kale ku celineysaa in duulimaadyada bani’aadamnimada ay tahay in si saxan loogu adeegsado ujeeddooyin bani’aadamnimo si looga fogaado inay Kenya ku dhawaaqdo go’aanka suurtagalka ah ee ah in gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyada,” ayey tiri.

Dowlada Kenya ayaa 11-kii May mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay diiday inay dib u fasaxdo qaadka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha duulimaadyada rayidka ee dalka Kenya Gilbert Kibe ayaa lagu sheegay in amarkan uu soconayo illaa iyo 9-ka bisha August ee sanadkan.

Hoos ka aqriso warqadda hanjabaadda ah ee Kenya