Sawirro: Midowga Musharaxiinta oo Rooble u gudbiyey liiskii laga sugayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo warbixin ka siday golaha.

Xubnahaan oo kala ahaa Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ra’iisul wasaaraha u gudbiyey liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho ayaa dhigayey in musharaxiintu ay soo gudbiyaan xubnaha ku jira guddiyada doorashooyinka oo ay ku tuhmayaan in aysan dhaxdhaxaad aheyn.

Inkastoo aan la shaacin magacyada iyo tirada xubnahan, hadana qiyaastii 20 qof oo ku jira guddiyadan ayaa la sheegay inay liiskooda gudbiyeen Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya.

Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta.

Caasimada Online ayaa maanta baahisay in musharaxiintu ay qorsheynayaan gudbinta liiska xubnahaas, waxaana la sheegay inay la wareegi doonan guddiga heerka Wasiirro ah oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo loo xil saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay, iyagoo marka ay soo tala bixiyaan la wadaagi doona Ra’iisul Wasaaraha.