Sawirro: Qorshaha kulanka siyaasiyiinta ugu miisaanka culus K/Galbeed ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen siyaasyiinta ugu miisaanka culus ee ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood sanadihii lasoo dhaafay ay siyaasaddu kala geysay.

Kulankaas oo ahaa qado Sharaf uu sameeyey guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Koofur Galbeed Cbadicasiis Laftagareen, guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

Xogta aan ka helnay kulankaas waxay sheegeysaa in siyaasiyiintan ay maanta ka wadahadleen arrimaha siyaasadda guud ee dalka, masiirka deegaanada ay ka soo jeedaan iyo sidii mad-madowga siyaasadeed ee dhexdooda meesha looga saari lahaa, marxalada hadda lagu jirana looga gudbi lahaa isku duubni iyo midnimo dhexdooda ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban uga fal-celiyey kulankaas ayaa yiri, “Waxaan bogaadinayaa kulamada wadahadal iyo wadatashi ee hoggaanka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed. Waxaad moodaa in dalkii marxalad cusub galay, ka dib markii uu itaal beelay maamulkii cabburinta iyo is maquuniska.”

Inta badan siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee maanta isku yimid waxay siyaasadda ku kala tageen afartii sano ee uu xukunka hayey madaxweyne Farmaajo, iyagoo laba-labo isugu qabtay siyaasadda.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta gogosha kulankaan dhigay, afar sano ka hor waxaa loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, balse sanad kadib waxa uu ku baxay dagaal siyaasadeed oo ka soo wajahay madaxtooyada, waxaana lagu bedelay guddoomiyaha hadda waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan afar sano ka hor waxa uu ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, balse cadaadis ay saartay madaxtooyada Soomaaliya ayaa u saamixi waayey inuu mar kale u tartamo xilkaas, waxaana halkaas rabitaanka dowladd dhexe looga soo saaray madaxweynaha haatan hoggaamiya Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Intii ay jirtay dowladda Madaxweyne Farmaajo waxaa aad u yaraaday cilaaqaadka siyaasiyiinta miisaanka leh reer Koonfur Galbeed, balse hadda waxay u muuqdaan kuwo gartay in aysan kala maarmin.