Hooyo codeyneysay oo fool ay ku qabatay xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimadda Online) – Hooyo kamid aheyd dadkii codkooda shalay ka dhiibanayay doorashadii ka dhacday Somaliland ayay foosha qabatay xilli ay safka ku jirtay.

Hooyadan ayaa waxaa goobta ay ku umushay ee la geeyay ku soo booqday mid ka mid ah musharaxiinta xaafada ay ka codeyneysay kaasoo ay ugu magac dartay wiilkii ay dhashay.

Hooyadaan ayaa ku umushay Xannaanada Xaafadda Dami, waxaana si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo uu sawirkeeda soo bandhigay Barkhad Jaamac Katuun oo kamid ah dadka u tartamaya Xildhibaannada Golaha Wakiilada.

“Hooyo ku jirta safka codeynta oo codkeeda rabta in ay dhiibato iina codeyso ayaa ku umushay hadda Xannaanada Xaafadda Daami! Wiil ayey umushay, waxayna u bixisay Barkhad,” ayuu yiri Musharax Barkhad.

Afhayeenka xisbiga Wadani Barkhad Batuu ayaa ka mid ah musharaxiinta golaha wakiilada waxaana si weyn loo aaminsan yahay inuu heli doono kursiga waxana uu ka mid yahay dadka sida weyn u ololeynayay maalmihii la soo dhaafay.

Doorashadan oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqonaysaa middii todobaad ee Somaliland ka dhacda tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay isaga go’day Soomaaliya inteeda kale soddon sanadood ka hor.

Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.