DF oo waqti kooban u qabatay Jaamacadaha dalka qaarkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal war-gelin ah oo mar kale ka soo baxay Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa loogu yeeray qaar ka mid ah Jaamacadaha ka howlaga gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo jawaabin fariimo hore oo uga yimid guddigan.

Guddiga ayaa jaamacadaha aan weli ka soo jawaabin fariimahoodii hore ka codsaday inay la soo xariiraan ka hor 5-ta bisha cusub ee June, iyagoo ku goodiyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono jaamacaddii aan mudadaas kula soo xariirin guddiga.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala gobollada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare inay la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu dambayn 05/06/2021. Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay guddiga.

Guddiga ayaa baahiyey Emailkan admin@nche.gov.so si ay ugala soo xariiraan jaamacadaha loo yeeray ee ka howlgala gobollada dalka.

Dhawaan wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay liiska ilaa 41 jaamacadood oo ka howlaga dalka, kuwaas oo ay sheegtay inay ka gudbeen wajiga koowaad ee qiimeyntii Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare ee dalka.

Sidoo kale xilligaas wasaaraddu waxay u yeertay ilaa 21 jaamacadood oo kale, kuwaas oo ay sheegtay in aysan weli kasoo jawaabin fariintii guddiga, balse hadda warqadan dambe laguma shaacin liiska iyo tirada jaamacadaha loo yeerayo ee aan weli la soo xariirin guddiga.

Shan maalmood oo kaliya ayaa ka hartay mudada loo qabtay jaamacadaha aan weli soo jawaabin inay kula soo xariiray Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo u xil saran qiimeynta jaamacadaha dalka.