Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee batamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbacad ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhacay dagaalka foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka warbixiyey dagaalkaasi oo saacado badan qaatay ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyey in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 25 dagaalame, welina ay wadaan tirakoobka khasaaraha dagaalkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guullaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle.