Aqriso qodobada muhiimka ah ee warbixinta xisaab xirka miisaaniyad danadeedka 2016-ka

Guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa soo saaray warbixintooda ku aadan xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2016-ka, iyada oo soo bandhigay in ay kala duwan yihiin, lacagaha ay dowladda federaalka ah fileysay ama ku talagashay iyo waxa rasmiga ah ee soo xarooday.

Qodobadda Ugu Muhiimsanaa Waxaa Ka Mid Ahaa:

  1. Guud ahaa qaabka diyaarinta warbixinta xisaab xirka waxaa ka muuqata in aysan jirin faahfaahin xisaabeed oo sahlaya dhaqso u fahanka xisaab xirka miisaaniyadda.
  2. Muuqaalka guud ee warbixinta xisaab xirka waxaa ka muuqda khaladaad la sixi karay waqtigeeda . sida kala wareejinta isticmaalka madax xigaha filaanka ah.
  3. Deeqaha dibadda ee lab dhinac ayaa la filayey in ay noqoto $34,000,000US$, lacagta dhabta ah ee soo xarootay waxay noqotay $31,260,098 farqiga u dhaxeeya wuxuu noqday $2,739,902 ooah boqolkiiba 8% inta aan la helin.
  4. Markii la eego deeqaha sadex geesoodka ayaa waxaa la filaayay in aay ka soo xarootay lacag dhan $74,365,875 lacagta dhabta ah ee ka soo xarootay waa $24,041,451. Farqi uu dhanyahay $50,324,424 kaas oo noqonaya Boqolay ahaan 68% una muuqata in ay la lagu dhisi balanqaad sax ah. 
  1. Adeegga Shaqaalaha Mushaarka :

Mushaarka shaqaalaha ku baxay sanad miisaaniyadeedka 2016 waxaa lagu talagalay kharash dhan 113,067,344, halka miisaaniyadda dhabta ah ee la baxshay ay noqotay $79,314,010 farqiga uu ahaa $33,753,334 una dhiganta 30% taasi oo keentay in la gaariwaayo dakhligii ku tala miisaaniyadda 2016k, keenikartana dayac dhinaca  shaqada ama wax soo saarka shaqada maadaama uusan haynin qofka niyad uu ku shaqeeyo.

  1. Agabka iyo Adeegga:

Miisaaniyadda sanadeedka  agabka iyo adeegga ku baxa waxaa lagu talagalay in ay noqoto $96,434,512.00 waxa ay noqotay kharashka dhabta ah ee la isticmaalay $70,246,999.00, waxaana timid kala duwanaasho qoondada iyo kharashaadka la isticmaaley oo dhan $26,187,513.00 noqoneysana 27% keentayna in ay curyaamaan howlihii dowladda lagu dardargalin lahaa maadaama uu ahaa halbowlaha.

  1. Deeqaha / Mashaariicda:

Deeqaha laga helo deeqbixiyaasha oo loogu talagalay mashaariicda waxay ahayd ku talagalka $17,229,550.00,waxaa la isticmaalay kharasha dhan $9,416,649.00, waxaa timid kala duwanaashah ku talagalka iyo kharashka farqi dhan $7,812,901,kaas oo noqonaya 45% una muuqata in laga faaideysan waayey si kastoo ay ahaataba.

  1. Keydka Kabidda:

Lacagta keydka miisaaniyadda oo loogu talagalay ka hortaga masiibooyinka sida abaaraha, daadadka , fatahaadaha iyo iwm. Waxaa loo qoondeeyay lacag dhan $2,116,804 waxaa la isticmaalay $ 2,059,409, farqiga u dhaxeeya lacagtii loo qoondeeyay iyo midda la isticmaalay waa $57,395, markii boqoley loo badalo waxay noqoneysaa 3%, sidoo kale madaxaan inta badan waxaa loo isticmaalay wax ka baxsan wixii loogu talo galay.

  1. Curaar iyo deymo

Kharash bixinta deymaha la galay sannadkii 2015kii laguna soo wareejiyey miisaaniyadda 2016ka kaliya lacag dhan $4,100,000 waxaa la baxshay kharash dhan $4,090,614, farqiga u dhaxeeya wuxuu noqday $9,386 . taaso uu muujineysa in la iska xil saaray bixinta kharashkaas inkastoo aysan ku cadeen warbixinta xisaabiyaha cida iskaleh deemaha iyo sida loo baxshay kaliya un ay tahay warbixin kooban taasi oo aan aad u sahlaneyn ogaasho qota dheer ee dhinaca daymahaan.

  1. Isticmaalka Ra’sulmaalka:

Ra’sulmaalka waxaa loo qoondeeyay lacag dhan $15,309,692, waxaa la isticmaalay kharash dhan $5,939,039,kala duwanaashaha wuxuu noqdey $9,370,653, boqoley ahaana waxay noqotey 61%. Laba meeloo meel ahaan waa ka badantahay inta soo hartey taasi oo muujineyso in aan loo isticmaalin sidii kutalogalka ahaa qoondada miisaaniyadda 2016 laguna sababeeyay buuxin la’aanta shauruudihii ku xirnaa helidooda.