Farmaajo oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday masaajid ku yaalla dalka…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee maalinta shalay lagu qaaday masaajid ku yaalla dalka Masar, xilli dad fara badan ay ku cibaadeysanayeen salaadii jimcaha.

War Saxaafadeed Tacsi iyo Cambaareen isugu jirtay oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Tacsi loogu diray Ehelada iyo Dowladda Masar dadkii kaga geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Rowda oo ku yaalla Bi’rul Cabdi oo katirsan Deegaanada Hoos taga Gobolka Siinaa ee Waqooyiga dalkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa Weerarkaas ku nafwaayey 235 qof oo kamid ahaa Jamaacadii Masjidka ku sugneed, 130-kalane wey ku dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri:- “Anigoo Ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan Tacsi iyo u dirayaa ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdadii xanuunka badneed ee argagixiso, laguna waxyeeleeyey dad aanan waxba galabsan, ee ka dhacday Maanta Masjid ku yaalla Siinaa”.

“Innaga iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan si dhaw u Taageereynaa Shacabka iyo Walaalaheen Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha Argagixisada ee Dhibaatada geysanaya, Waxaan si xooggan u cambaareynaynaa dambigan naxdinta leh ee dhanka ah Shareecada Islaamka, iyo Sharafta Aadanaha”. ayaa lagu yiri Warkaan Madaxtooyada Soomaaliya ay u dirtay Dowladda Masar.

Sidoo kale weerarkaas oo ahaa mid waxashnimo ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah Madaxda caalamka oo ku tilmaamay in weerarkaas uu ahaa mid ka baxsan bani’aadanimada iyo Diinta Islaamka in dad meel ku cibaadeysanaya oo aan waxba galabsan la laayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com