Aqriso: Rooble oo guddi u magacaabay xiisadda Beledweyne + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi cusub oo Wasiirro ah oo qeyb ka noqonaya xal u raadinta xiisada ka taagan Beledweyne, kadib markii goor sii horeysay oo maanta ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ay amreen in deg deg loo soo celiyo ciidamadii shalay la geeyey magaaladaas.

Guddiga cusub ee uu magacaabay Rooble ayaa waxay ka shaqeyn doonaan dejinta iyo xal u helida khilaafka ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan kala shaqeyn doonaan madaxda maamulka Hirshabelle iyo Waxgaradka gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Guddiga ayaa waxaa hogaaminaya oo guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, sidoo kale waxaa qeyb ka ah xubnahan hoose;

  • Cabdulaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha
  • Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhiga
  • Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga
  • Fowziya Maxamed Abiikar, Wasiirka Caafimaadka
  • Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo shacabka magaalada Beledweyne in ay muujiyaan deganaan, lana ilaaliyo waxkasta oo keeni kara isku dhac.