Wareysi: Wasiirka Amniga oo ka hadlay ciidamada la geeyey Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay ciidamadii shalay la geeyay Beledweyne, kadib kulan ay maanta ka yeesheen Golaha Wasiirada, kaasi oo lagu go’aamiyay in si deg deg ah lagu soo celiyo ciidamadaas.

Waxa uu sheegay in tuhunka u weyn ee ka dhashay ciidamada la geeyay Beledweyne ay tahay in qorshihii ay ku baxeen ciidamadaas iyo miisaaniyadii ku baxday qaadistooda aan laga bixin miisaaniyada dowladda, oo cid gaar ah ay bixisay.

“Sida caadiga ah wadada saxda ah ee ay soo maraan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada waxay la soo xiriiran Ra’iisul Wasaaraha marka ay rabaan ciidan iyo saanad, kadib ayuu u xil saaraya wasaarada qaabilsan oo sida ayey u daadageysa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in ciidamada la qaaday, gaar ahaan Booliska ay durtaba soo baxday in saameyn ballaaran ku yeeshen amniga Muqdisho iyo goobihii ay ku sugnaayeen, maadama uu sheegay in qeybo kamid ah suuqa Bakaaraha u xiran yihiin argagixisada.

“Ciidamada nala soo weydiisto ee lagula dagaalamayo cadowga ma xumo ee waxa qalda dadka madaxda ah ee xiligaas maamulaya. Arrinta mad-madowga ah iyo mugdiga ku gadaaman ayaa ah in ciidankaas tirada badan ee la qaaday lagama bixin kharashkooda miisaaniyada dowladda, cid kale ayaa bixisay, maxaa keenaya in cid kale bixiso?.”

Wasiirka ayaa sheegay in dhowr jeer ay soo gaareen waraaqo cabasho ah oo madaxda dowlad goboleedyada ay ku dalbanayaan in wax hub ah ama ciidan ah oo ay ka warqabin oo ogolaan loo soo dirin, si looga fogaado qalaalase ka dhaca doorashooyinka socda.

Sidoo kale waxa uu xusay in go’aan ka qaadan doonaan haddii amarka kasoo baxay Golaha Wasiirada aan lagu fulin sidiisa, kaasi oo sare u qaadaya in cawaaqibta tallaabadaas ka dhalata ay saameyn doonto Saraakiisha ciidamada.

“In ciidan intaas le’eg xiligaan marxalada xasaasiga ah lagu jiro la dhaqaajiyo oo gobolkii ay daganayen gobol aan aheyn la geeyo, gaar ahaan goob doorasho oo intaas sii dheer tahay oo aan ognahay xasaradaha siyaasadeed ee jira oo mararka qaar dhaliyay arrimo amni, waad dareemi kartaa mas’uuliyada naga saaran, waxaa u mari doona habraaca saxa ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qorshe la’aanta ka dhalatay ciidamada la qaaday ay ku jiraan xalinteeda, kadib markii cabasho xoogan u gudbiyeen ganacsatada Bakaaraha qaarkood oo ururka Daacish dul dhigtay lacago hor leh, kuna qasbanaaday inay xiraan ganacsiyadooda.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka