Sawirro: Danab oo ‘howlgal ku dilay’ 15 Al-Shabaab ah

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in shalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ay howl-gallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada kala ah Xawaadley, Shanloow JameEco, Yaaqle, Dhagaxoow oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdillaahi Nuur (Beeryare) oo  ah Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandooska Danab ayaa ka warbixiyey howl-galladan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku gaareen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayna khasaare xoogan ku gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howl-galladan ay ku dileen illaa 15 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida uu hadalka u dhigay.

Beeryare ayaa sidoo kale xusay inay burburiyeen xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan maxkamado iyo goobo kale oo ay lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xoogaga Al-Shabaab ay todobaadyadii u dambeeyey weeraro kala duwan ay ka fulisay halkaasi

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa dhankooda sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada HirShabelle.