“Waxaan dalbanaa in ciidan intaas ka badan la geeyo Beledweyne,” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa markii u horeysay ka hadlay ciidamada Arbacadii la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasi oo muranka badan dhaliyey.

Xildhibaan Jeesoow ayaa ugu horeyntii taageeray ciidamada laga dejiyay Beledweyne, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay ka horyimaadan ciidamo cadowga looga dhicinayo dadkooda.

“Walaalihii mas’uuliyiinta ahaa ee hadlay haddii aan ugu caqli celiyo baahida ka jirta gobolkaas, gaar ahaan Beledweyne, ciidan waa u baahan tahay weliba ciidanka la geeyay kuwo ka badan. Sida ka war-qabtaan maanta jidkii xabadka ahaa ee inoo furnaa waa go’an yahay, wuxuuna ka go’an yahay Bacda iyo Kalabeydhka waxaa ka taagan calankii madowa oo Shabaab uga suran yahay,” ayuu yiri.

Waxa uu ku celceliyay in dadka reer Hiiraan xaq u leeyihiin in ciidamada dowladda loo soo tababaro looga dhiciyo cadowga, si loogu sugo amaankooda, islamarkaana ay doorasho nabdoona ka qabsoomto gobolka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay dalbadeen madaxda HirShabelle si loogu sugo amaanka, ayna tahay in laga arrinsado arrimaha soo kordhay ee gobolka, oo aysan beelna keligeed go’aan iska gaarin oo laga wada-tashado, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne kuxigeenkii HirShabelle oo ah ninkii ugu sareeyay gobolka Hiiraan ayaa codsaday ciidamo takulo ah si magaalada iyo hareeraheeda loo aslaaxiyo, intaas oo mas’uuliyiin ah in iskugu imaadan oo weliba ku cambaareeyan oo yiraahdan doorashada iyo kacdoonka loo adeegsanaya aniga sax ilama aha oo mas’uuliyad ilama aha. Waxaa fiicneyd inta aad beel ahaan isku soo racin in aad na wacdaan, runtii arrintaas wey idin seegtay.”

Waxa uu intaas kusii daray in uu qirsan yahay in kacdoon uu ka jiro gobolka Hiiraan, uuna qabo wadada wada-hadalka iyo iska fahamka lagu xaliyo, maadama hogaamiyaheedii dhawaan la keenay magaalada Muqdisho.

Jeesoow ayaa ugu dambeyntiina ballan-qaaday in ciidamada la geeyay Beledweyne aysan qeyb ka noqon doonin boobka doorashada, ayna ku eekaan doonaan waajibaadkooda sugida amaanka, inkasta oo aan la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto.

“Dab marka uu kaco waa la damiya ee lama daayo, haddii laga aamuso kacdoonka beelo badan ayaa ku dayasho sameyn doona. Dhibka hal beel oo reer Hiiraan ah qabaan, dhamaan reer Hiiraan oo dhan waa qabaan waa in lala hadlaa oo lala fadhiista.”

Isla Arbacadii ayey aheyd markii tallaabadan si adag uga horyimaadeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar, Cabdullaahi Goodax Barre, Cabdullahi Sanbaloolshe, xildhibaan Qoone iyo xildhibaan Jindi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxay sheegen in Beledweyne ay ka taagan tahay xurguf siyaasadeed, balse aysan joogin argagixiso dowladda ku qasbeysa inay cudud ciidan ku wajahdo, iyagoo saraakiisha kula taliyey in ciidankaas ay ku soo celiyaan xeryahooda.

Si kastaba, Golaha Wasiirada xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamada la geeyay Beledweyne, oo ay sheegen in loo adeegsanayo dano siyaasadeed, kuna qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.