Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii beesha Mudulood ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay shirka watashiga beelaha Mudulood oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiin kasoo jeedda beesha, oo ay ka mid yihiin madaxwenayaal hore.

Xubnaha la xusi karo ee shirka goobjoog ka ahaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaal hore Cali Mahadi Maxamed, iyo Xasan Sheekh, iyo siyaasiyiin uu ku jiro xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo imaamka beesha Mudulood.

Shirkaas ayaa waxaa xalay laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobadiisa ugu weynaayeen.

1 – In dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan, islamarkaana ilaaliyaan dastuurka dalka Soomaaliya.

2 – In howl-galka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom uu dhex-dhexaad ka noqdo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

3 – In si wadajir ah looga horjeesto wixii sababi kara qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana xal nabadeed loo maro khilaafaadyada jira; lana dhiso qaran waara oo ka shaqeeya maslaxadda guud.

4 – In dhowaan la qabto shirweyne u dhantahay beesha Mudulood dal iyo dibad, kaasi oo looga tashanayo aayaha beesha.

5 – In beesha Mudulood raadiso maqaamka siyaasadeed iyo xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay nidaamka maamul ee dalka.

6 – In la dhisay Guddiga qabanqaabada Shirka wadatashiga Beelweyne Muddulood oo si degdeg loo qaban doono, ayna kasoo qeybgeli doonaan dadka gudaha iyo dibadda.

7 – In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021.

8 – Waxaa beesha caalamka looga mahad-celinayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliia. Waxaa kaloo Bulshada caalamka iyo AMISOM laga codsanayaa inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.