Arad sawirrada: Dhallinyaro arrin cajiib ah ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xuseen Xasan  waa gudoomiyaha Ubaxa Caasimada oo ah Urur ay sameyeen Dhalinyaro wiilal iyo gabdho leh kuwaasi oo hal ku dhig ka dhigtay  dalkaaga quruxso .

Waxay magaalada Muqdisho ka billabeen dhireyn oo ay ku samenayaan waddooyinka iyagoo hadda qeyb kamid  ah wadada Maka Al-mukarrama ku beeray Ubaxyo taasi oo qeyb ka qadaneysa bilicda wadadaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha Ubaxa Caasimada Maxamed  Xuseen Xasan ayaa shegay inay tillaabadan ay qadeen ay tahay mid ay ku doonayaan inay uga qayb qataan inay caasimadda Muqdisho qurxiyaan waxaana waydinay waxa ku dhaliyay arrintan.

“Waxaa naqaaday dareen wadan jacayl ah oo nagu beermay markaas ayaan ku fakarnay innagoo ah dhallinyaro wax baratay inaan howshan billawno waxaana hada ka rajeynaynaa inay noqoto  billaw wanaagsan oo aan dalkeenna wax ugu qabaneyno” ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Maaha wax fudud bil soo celinta Magaallo ama Caasimad kasoo kabanysa bur bur dhowr iyo Labaatan sano gaaray waxaana dhallinyaradan ay yihiin kuwo ku haminaya inay ku guuleystaan hadafka ay ururkan dhidibada ay ugu tageen.

Hadaba waa kuma ciida ka gacan siineysa ama tageerada ay kaga helayaan inay dhir ku beeraan waddoyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkooda dib u dhis lagu sameeyay waxaynu su’aashaasi weydiinnay guddoomiyaha.

“ma jirto ilaa hadda cid si gaar ah aan ka helnay tageero balse wey jiraan dad badan oo inoo shegay inay wax nagala qabanayaan howshanna nagu dhiiro geliyey”

Dhallinyaradan waxaa  ay hiigsanayaan inay Muqdisho ka dhigaan magadalada geeska Africa ugu qurxda badan iyaga oo qarkood qurbaha ku arkay sida dadka ay u quruxsadaan caasimadahooda.

“Himilladeena waa innagoo laamiyada oo idil dhireen ku sameynno Magalada Muqdisho waxaan ku rajo weynnahay in aynu ka dhigno magaallada geeska Africa ugu qurxda badan”

Maalintii Saddex jeer inay tagaan goobaha ay dhirta ku beereen ayuu sheegay Maxamed tahalil oo ka mid ah Ubaxa Caasimadda si ay uga nadifiyaan qashinka uguna sameeyaan daryeel guud si dhirta aysan u dhammaan.

“Ma dooneyno inaan halkan uga harno dhirta aan beerno maalin walbana dareel joogta ah ayaan ku sameynna dhirta si aysan u noqan mid baa ba’da”

Dhirta ayaa loo isticmaala in lagu qurxiyo magalooyinka iyo casimadaha iyadoo laamiyada iyo goobaha Jardiinadana  lagu beero waxaana dhirtaasi habeeya dawladaha hoose ee magalooyinkaasi .

Magaalada Muqdisho waxaa xilligii hore ahayd magaalo cagaaran oo dhirta ay ku beerneed wadooyinka iyo Jardiinada caanka ahaa.

Dadbadan ayaa soodhoweeyay qorshan waxaana kamid ahaa madaxda magalada oo bogaadiyey dhalliyaradan hawsha ay billaabeen.

Olalahan ayaa haddii sidii la rabay uu noqda ah mid wax ka bedalaya bilicda Caasimada Muqdisho ee luntay, Dhallinyaradana ku dhiira galinaysa inay sii wadaan ka qeyb qadaashada hormarinta Dalkooda.

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES