Arrin ku cusub xiisadda Puntland iyo Gallan ka dhex oogan (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlaayay warbaahinta ka howlgasha deegaanada maamulka ayaa sheegay in maamulka uusan wakhti badan ku lumin doonin gacan kusoo dhigida Siyaasiga Cabdisamad Maxamed Gallaan ee wata ciidamada hubeysan.

Wasiirka ayaa sheegay ciidamada maamulka ay ku sugan yihiin deegaanada uu ku dhuunto Cabdisamad Maxamed Gallaan oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari, waxa uuna cadeeyay inaanu saacad ku qaadaneynin gacan kusoo dhigida Gallaan.

”Puntland saacad kuma qaadaneyso inay gacanta kusoo dhigto Gallaan, waayo ciidamadayadu waxa ay ku sugan yihiin deegaanka uu ku dhuumaaleysanaayo Gallaan, waxaan siineynaa fursad uusan wakhti danbe heli doonin”

”Puntland waxa ay ka shaqeyneysaa sida Gallaan uu ku qaadan lahaa wadahadalka, kuma degdegi doono weerar aan ku qaadno Gallaan ilaa xad waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga”

Wasiir Soocade waxa uu ku baaqay in Cabdisamad Maxamed Gallaan iyo ciidamada uu wato ay isku soo dhiibaan maamulka.

Haddalka Wasiirka ayaa imaanaya xili deegaano kamid ah Puntland ay buux dhaafiyeen ciidamo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com