Arag Sawirrada rafaadka ka muuqda qaxootiga Soomaalida ee kasoo baqoolay DALKA YEMEN

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dekadda magaalada Bosaaso kusoo xirtay Markab siday in ka badan 3000 qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin kuwaasi oo kasoo barakacay Dagaalada ka socda dalkaasi Yemen.

Qaxootigani oo aad u farabadnaa ayaa kasoo ambabaxay dekadda magaalada Mukalla, waxayna ku qaadatay dhowr maalmood in ay soo gaaraan Bossaso sababo la xiriira hawada Badda oo kacsanayd.

Qaxootiga ayaa ahaa kuwo isugu jiray haween, carruur iyo rag oo tiro ahaan gaaraya 3,502-qof.

Dadkaasi ayaa soo dhaweyn kadib loo dhaadhiciyay xerooyinkii loogu talo galay halkaasi oo saldhig u ah dhamaan Qaxootiga kasoo laabtay dalka Yemen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
11

22

33

44

55

66

77

88

99

10