Xassan Sheikh oo ugu dambeyntii garwaaqsaday in dowladiisa ay sumcad daro u taal Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka carooday talaabooyiinka ay qaadayaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta qaar ee lidiga ku ah hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.

Waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad caadeystay inay iska horkeenaan Madaxda Qaranka , taasi oo uu ku sheegay mid abuuri karta mushkilad gaar ah.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qudhooda uusan isku kalsooneyn bacdamaa ay u jilicsan yihiin qaadashada warxumo tashiilka laga baahinaayo Dowlada Somalia.

Xassan ayaa ka digay kala shaki waqtigaani kala guurka ah soo kala dhex gala Dowladda iyo Xildhibaanada, Siyaasiyiinta waxa uuna sheegay in cilada ugu weyn ay tahay mid looga faa’iideysanaayo waqtiga yare e DF Somalia u harsan.

“Waxaa jira shaqsiyaad caado ka dhigtay inay karkariyan Siyaasada dalka xiliga aan ku jirno mar waliba oo la gaaro waxaa dhashay khilaaf, tuhun iyo isqabqabsi, cilada halka ay ka jirto wey nagu adagtahay inaan fahano waayo Siyaasada ayay dadka qaar qalqal galiyeen”

“Qof waliba oo xil ka hayo DF sumcad dari iyo ajaafo ayaa banaanka ka taal taasi waxaa keentay tuhunka aan kala qabno”

Madaxweyne Xassan ayaa walaac gaar ah ka qaba heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafyada ka dhextaagan Madaxda Somalia, waxa uuna garwaaqsan yahay in Dowladiisu ay sumcad darro u taalo gudaha iyo dibadda Somalia.

Xaalada Siyaasadeed ee uu ku jiro dalka ayaa ah mid iska soo horjeeda oo aan la garaneynin halka ay sal dhigan doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com