Xog: Wasiir Hadliye oo looga yeeray barlamanka (Warbixintii Caasimada.com oo walaac abuurtay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye ayaa looga yeeray inuu hortago baarlamanka Soomaaliya, ayada oo lagu heysto arrimo la xiriira badda Soomaaliya.

Hadliye oo la filayo inuu baarlamanka hortago sabtida ayaa waxaa wax laga weydiin doonaa hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amina Maxamed oo ay ku sheegtay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in arrinta badda lagu dhameeyo wada-hadal.

Hadliye ayaa waxaa sidoo kale la weydiin doonaa warsaxaafadeedkii uu ka soo saaray arrintaas oo shaki cusub abuuray kadib markii xildhibaanno badan ay arkeen kashifaad ay arrintaas ku sameysay Caasimada Online. Halkan ka aqri

Halkan ka aqri. Kadib marka baarlamanka Soomaaliya ay wareystaan wasiir Hadliye, ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aan xasaasi ah oo ku saabsan arrinta badda Soomaaliya. Waxaan isku dayeynaa inaan idiin soo gudbio go’aankaas Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com