Xog: Ololaha tartanka madaxweynaha Galmudug oo xoogeystay (Waa imisa codka xildhibaanka?)

Cadaado (Caasimada Online) – Ololaha tartanka jagada madaxweynaha maamulka cusub  ee gobolada dhexe “Galmudug” ayaa maraya heerkii ugu sareeyay iyadoo Cadaado ay marti gelineyso mid kamida xafiiltan siyaasadeed kii ugu adkaa ee degaanadaasi ka dhaca, kaasoo kulmiyay siyaasiyiin dhinacyo kala duwan ku xiran oo tartamay cidii qaban lahayd jagada ugu sareysa maamul ay hor yaalaan haddiiba uu dhameystirmo caqabado aad u adag.

Saddexda Musharax ee la filayo inay noqdaan kuwa ugu horeeya ee loolanka ugu adagi dhex mari doono waxay kala yihiin:

1. C/kariin Xuseen Guuleed

2. Axmed Macalin Faqi

3. Axmed C/salaan Xaaji Aadan

Saddexdan musharax waxaa lagu wadaa inay isu soo haraan labada ugu horeysa oo si aad ah isaga soo horjeeda. Loolanka musharaxnimada wuxuu xilligan u baahan yahay dhaqaale lagu wado si loo helo codadka xildhibaanada Baarlamaanka wax dooranaya.

Marka ay dhaqaale timaado waxaa meesha ugu tun weyn C/kariin Xuseen Guuleed oo lagu tuhmayo inuu heysto dhaqaale badan oo dhinacyo kala duwan uu ka helay. Warar xog ogaal ahi waxay sheegayaan in Musharax C/kariin Guuleed uu musharax kasta ugu talo galay 20,000 $. Waxaa hadda la bixiyay 5000$ oo hormaris ah, waxaana lagu wadaa in min 15,000$ la bixiyo xilliga ugu horeeya ee doorashada ka hor ilaa subaxnimada Sabtida soo socota.

Kooxda ololaha C/kariin Guuleed ayaa ku waano qaadatay jabkii ka soo gaaray tartankii jagada guddoomiyaha Baarlamaanka oo musharaxoodii si la yaab leh looga badiyay, waxayna maalmihii ugu danbeeyay ku dhaqaaqday inay dib u saxdo khaladkii hore uga dhacay oo ahaa in lagala wareegay xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Dir. Waxay kooxdani Muqdisho ka wadaan xubno beeshaasi ka trisan oo diyaarad gaar ah loo kireeyay, lana geeyay Cadaado si ay xildhibaanada beeshooda ugu soo xiraan musharax C/kariin Xuseen Guuleed.

Codka xildhibaanka ayaa Cadaado hadda ka gaaray 20,000$, iyadoo  musharaxa C/kariin Guuleed iyo kooxdiisa ay wax waliba u sameeyeen si aysan jagadaasi u dhaafin.

Dhinaca kale Musharax Axmed Macalin Faqi ayaa dab yar shideyn inkastoo dhaqaalaha kooxdiisa heysato aad uga yar yahay midka kan uu heysto C/kariin Guuleed, haddana wuxuu isku haleynayaa naceybka loo qabo kooxda Damjadiid iyo suuragalnimada inuu helo codad qarsoon oo beelahooda lagula heshiiyo jagooyin wasaaradeed muhiim ah.

Axmed C/salaan ayaa isugu la isku heysan inuu kaalinta saddexaad ku jiro, balse ma muuqato cabsi badan oo laga qabo inuu tartanka meel fiican ka galo, taasoo uu laf ahaantiisa ogyahay.

Waxay u badan tahay in doorashada hal wareeg oo kaliya lagu kala baxo cod hal dheeri ah, musharaxii hela 45 cod ayaa xilkan calfan doona iyadoo 89 xubnood ay yihiin xubnaha Baarlamaanka Galmudug.

Isha Goobjooge