Xubno ka tirsan DAACISH oo lagu qabtay Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan mintidiinta Daacish.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in xubnahaasi lagu dhex qabtay magaalada xili ay tashkilinayeen dhalinyaro dhowr ah.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jiray Laba ruux oo cadaan ah kuwaasi oo ay Saraakiishu sheegen inay hogaaminayeen tiro kale oo u badnaa muwaadiniin ka tirsan dalka Kenya oo u diiwaan gishnaa Mintidiinta Daacish.

Sidoo kale, raga la qabtay ayaa waxaa ku jiray laba ruux oo iyaguna kasoo jeeday dalka Ugandha kuwaasi oo iminka loo gudbiyay xabsiga dhexe halka xubno kale oo iyagu ka tirsana laga baadi goobaayo Magaalada.

Keyta Dingu oo kamid ah Saraakiisha Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ragaasi ay rumaysan yihiin in loo xil saaray in ay dhalinyaro dagaalama oo taabacsan ururka Daacish ay ka soo qoraan dalalka Uganda,Tanzania iyo Kenya.

Dalka Kenya aya mudooyinkaani dambe waxa ay xarun u noqotay Maleeshiyaad xagjir ah kuwaasi falal amni darro ah ka geysta inta badan wadamada dhaca Qaaradaha Africa iyo Aasia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online