QAABKA ay u dhaceyso doorashada CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Gudiga Doorashada maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qaabka ay u dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo maanta ka dhaceyso magaalada Cadaado.

Maxamuud Aadan Cismaan,  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku dhawaad lix musharax a y isku soo taageen xilka madaxweynaha maamulka Galmudug iyo madaxweyne ku xigeenada maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in maanta si cadaalad ah u dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale  wuxuu sheegay in masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsan iyo dadweyne badan ay goobjoog ka ahaan doonaan doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com