Dhageyso: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano caan ah oo xog xasaasi ah ku kashifay DOOD aad u kulul

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijkeena Faaqidaadda ee VOA ee toddobaadkan ayaa looga hadlayxaaladda siyaasadeed iyo amni ee Somalia, gaar ahaa qorshaha hiigsiga 2016, qaabka ay doorasho uga dhici karto Somalia, dhaqaale la’aanta haysata dowladda ee sababtay inaan la bixin mushaharkii shaqaalaha, Guuldarada AMISOM ka soo gaartay dagaalkii Leego, iyo waxa laga filan karo doorashada madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Waxaa arrimahaasi falanqeynaya oo barnaamijka ka qeybgalaya Cabdirashiid Xiddig, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda Somalia oo Muqdisho jooga, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka o ku sugan Nairobi, C/rashiid Khaliif Xaashi agaasimaha machadka Heritaga oo Toronto jooga, iyo Prof. Xuseen Warsame oo macallin ka ah jaamacadda Calgary ee Canada.

Qeybta hoose ka dhageyso Barnaamijka oo dhammeystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com