Daawo Sawirrada weeraradii Hotellada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11 ruux, ayaa ku dhimatay labada weerar ee ka kala dhacay Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Injineer Mustaf Cabdi Abshir oo ku sugnaa halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in 6 dhaawaca ah ay ku jiraan Xildhibaan hore uga tirsanaa Mudaneyaasha Baarlamaanka oo lagu magacaabo Cabdirashiid Gabyoow iyo Milkiilaha Hoteel Wehliye Ciise Wehliye Macalin ay kamid ahaayen Dhaawacyada.

Ciidamada DF ayaa goordhow soo afjaray weerarkii ka socday Hotel Siyaad iyo Wehliye, waxaana hadda Hoteeladaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan Dowlada.

Waxaa weli iridaha Hoteelka yaalla Meydadka Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo lala sugaayo maalinimada barri.

Sodoo kale, wararka ayaa sheegaya in dhaawaca loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho si halkaasi Xaaladooda caafimaad loogu dabiibo

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5