Jawaari oo qaaday tallaabo CUSUB oo aan looga baran kaddib markii uu maamulka GAL-MUDUG..

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka mida xildhibaanada Galmudug ayaa socdaalkoodii ugu horeeyay ku yimid magaalada Muqdisho iyagoo kasoo anbabaxay magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Galmudug.

Wafdiga baarlamaanka Galmudug ayaa casuumaad ka helay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay marti u yihiin, waxaana inta ay joogaan Muqdisho loo furi doonaan tababar socon doona muddo 10 maalmood ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan baarlamaanada iyo qaabkii ay u sameysan lahaayeen xeer hoosaad uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug ee dhowaan la dhisay.

Tallaabada uu qaaday Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsan inuu tababar siiyo lana shaqeeyo Baarlamaan goboleedka Galmudug ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah iyo xiriir caafimaad qaba oo dhex maray baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaan Goboleed, iyadoo la ogyahay in maamulada kale ee dalka ka jira ay la loolamaan Baarlamaanka Federaalka.

Isha: Goobjooge