Arag sawirro: Bahdilka madaxda DF ku haysta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofa dhammaan shacabka Soomaaliyeed min madax ilaa shacab, balse waxaa ka dhex jira axtiraam la’aan heysata madaxda DFS ee ka kala tirsan labada Gole.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ka dhoofaya Garoonka ayaa waxaa la mariyaa baaritaano adag oo ka duwan kan ay maraan dadka shacabka, waxaana Boorsooyinkooda baara Eeyo u tababaran ka hortaga waxyaabaha qarxa iyo maan dooriyaha.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa goorta ay galaan Garoonka Aadan Cadde waxaa u bilowda waji ka duwan kii ay ku heysteen xarumaha Dowlada waxa ayna dhamaantooda galaan safafka dhaadheer oo ay ku jiraan shacabkii ay magaalada uga faani jireen, waxaana suuragal ah in xiliyada qaar ay dhalinyarada qaarkood isku qabtaan safka lagu jiro.

Wasiirada lagu bahdilay garoonka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Maxamed Aden Fargeeto iyo Xildhibaano dhor ah oo ay boorsooyinkoodu baarayeen Eeyo aad u waaweyn, waxa ayna taasi rumeyneysaa amarkii Madaxweyne Xassan Sheekh ee ahaa in baaritaano adag la mariyo mas’uuliyiinta Dowlada xiliyada ay ka dhoofayaan Garoonka.

Fargeeti, ayaa waxaa Garoonka ku wehlinaayay qoyskiisa oo Safar ka ahaa Magaalada Muqdisho waxa ayna taasi hoos u sii dhigtay miisaankii uu lahaa misna lagu qadarin lahaa.

Mas’uuliyiinta qaar oo diiday in Boorsooyinkooda uu Eeyga baaro, ayaa ku qasbanaaday inay maraan baaritaanka Eeyga.

Caalamka ayaa waxaa ka jira sharci sara qaadaya xushmad gaar ah ee uu leeyahay Diblumaasiga waxaana sharcigaasi kamid ah in diblumaasiga aan la faragalin alaabaha uu wato misna aan la baarin xili waliba oo uu ku dhaco goobo taftiish ah, iyada oo ay taasi u dheertahay in garoon waliba oo caalami ah uu ka dhoofo qeybo gaar ah oo loogu tallo galay diblumaasiyiinta.
1

2

3