24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Daawo: Sheekh Aadan SIIRO oo ka shallaayay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Sheikh Aadan Siiro, oo kamid ah mashaa’ida ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa si adag kaga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Somaliland iyo dhaqaalaha madaxda maamulkaasi ay kaligood isticmaalayaan.

Aadan Siiro, wuxuu sheegay in hogaanka Somaliland aysan ka warheyn qofka masuulka ah waajibaadka saaran, balse taa badalkeeda ay kaligood adeegsanayaan dhaqaalaha soo gala Somaliland.

Isaga oo lahadlayay boqolaal ruux oo ku sugan magaalada Hargeysa ayuu shiiqa sheegay inuu ka shaleynayo taageeradii iyo ololalihii u fidiyay xisbiga Kulmiye ee haatan talada haya.

Wuxuu sheegay in markii hore uu ku qaldamay arintaasi, maadaama sida uu tilmaamay uusan fileyn in hantida dadweynaha shaqsiyaad gaar ah iska qaadanayaan.

Abaaraha ka jira deegaanada Somaliland ayaa sameeyay shacab badan oo ku dhaqan halkaasi, waxaana abaartaasi oo kale ay ka jirtaa gobolo Puntland ku yaala.

- Advertisement -

Read more

Local News