Sawirro murugo badan: DFS oo aan war u heyn shacabkeedii ku dhamaanaya badaha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Talyaaniga ayaa Aas u sameysay meydadka 14 Muhaajiriin Soomaali ah kuwaasi oo ku haftay biyaha kala qeybsha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Meydadka dhalinyaradaani Muhaajiriinta ahaa ayaa soo jiitay indhaha Caalamka iyadoona xusid mudan tahay in goobta lagu soo bandhigay Meydadka ay buux dhaafiyeen Mas’uuliyiin iyo Suxufiyiin u dhashay dalka Talyaaniga.

Meydadka dhalintaani ayaa laga soo uruuriyay xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo loo badinaayo inay la degtay dooni siday Muhaajiriin African ah oo u badnaa Soomaali.
Tahriib1

Tahriib2

Tahriib3

Tahriib4