Arag Sawirro: Xog ka cusub shabakada dhaqda dollarka ee Aadn Cadde lagu qabtay iyo mas’uuliyiin ku lug leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa gacan ku dhigista shaqsiyaad ka howlgalaayay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaa oo dhaqaayay lacagaha dollarka ee been abuurka ah.

Shaqsiyaadka lagu qabtay howshaani dhaqista lacagaha ayaa iminka ku jira gacanta Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA, waxaana lasoo sheegayaa inay yihiin shabakad ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan DFS.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in 2 ruux falkaas loo qabtay, balse xogo soo baxaaya ayaa sheegaya in shabakadaasi ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in daawada lagu dhaqaayay lacagta Dollarka ay magaalada Muqdisho soo galin jireen ilaa Seddex Xildhibaan kuwaa oo qeyb ka ah Ganacsiga ugu badan ee ka socda magaalada Muqdisho.

Shabakada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Saraakiil dhanka amaanka ah oo ka tirsan Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo iyaguna sahli jiray kala gudbinta dhaqaalaha la farsameeyo.

Illo wareedyo ka tirsan howlwadeenada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa laga soo xigtay in kiiska dhaqida lacagaha Dollarka uu yahay mid maalmahaani ku socday xooli isla markaana la daabacaayay dhaqaale xoogan oo min guddo ilaa dibad u baxaayay.

Waxa uu intaa raacinayaa Illo wareedka inay jiraan xubno kale oo lagu hayo baaritaan kuwaa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin dhowr ah oo ku xirnaa shabakada isla markaana fashilka ka hor istaagi jiray shabakadda.

Sidoo kale, NISA ayaa ku raad joogta xubno ka baxsaday goobta laga fuliyay howlgalka lacagaha iyo qalabka lagu sameynaayay lacagta lagu qabtay waxa uuna baaritaanku yahay mid saacadihii ugu danbeysay faraha la galaayay shaqsiyaad hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda NISA ayaa horay Degmada Waaberi ugu qabatay shabakad ku howlaneed dhaqista lacagaha Dollarka, hase yeeshee ku dhaqanka sharciga oo aad u hooseeya ay suuragashay in shabakadaasi lasii daayo.