Somaliland oo ugu baaqday shacabka Puntalnd in ay ka qaxaan Garoowe “oo uu ku wajahan yahay duulaan”

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Somaliland ay ku dhawaaqay in ay duulaan ku yihiin magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland

Xildhibaanada oo aad uga carooday Hoobiyayaal lagu garaacay goobaha ay ciidamada Somaliland uga sugan yihiin deegaanka Tukaraq ayaa sheegay in Jawaabta Hoobiyayaasha ay noqon doonto duulaan ay ku qaadan magaalada Garoowe.

Xildhibaanada oo ka hadlaayay kulan uu baarlamaanka maamulka lahaa ayaa sheegay in Puntland ay ka gudubtay xadka ay kuwada noolaan lahaayen hase yeeshee ay qaadayan duulaan ay gabi ahaan ku qabsan doonaan Garoowe.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Garoowe inay isaga barakacaan magaalada iyo daafaheeda, iyagoo sheegay in Somaliland ciidamadeeda dagaal diyaar u yihiin marwalba.

Nuqul kamid ahaa hadalada Xildhibaanada ayaa ahaa “Shacabka xitaa hadii aad dhinaceena timaadan waxba idin yeeli mayno. kaliya ciidanka iyo inaga nooga dhex­baxa anaga ayaa Puntland tuseyna awoodeeda”.

Waxaa intaa la raaciyay “Sababta aanan talaabo u qaadin waxay ahayd inaan adduunka tusno inay Puntland nagu heyso daandaansi, waxaa hadda noo cad inay noo furan tahay inaanu qabsano Garoowe”

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa muddo ku dhow lix bil ka dhexeeya dagaalo ka dhashay lahaanshaha Gobolka Sool oo labada maamul ay sheeganayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa dagaal ku qabsaday ciidamada Somaliland bishii January ee sanadkaan, xilli uu Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku joogay Garoowe.

Beesha Caalamka ayaa ku guul dareysatay kala qaadista labada ciidan oo wali is horfadhiya iyo in xal laga gaaro colaada oo ah mid sii xoogeysaneysa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com