Arag sida quruxda badan ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay dalka Djibouti

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Djibouti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada oo halkaasi uu uga furmayo Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qayb galay saaka furitaanka aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika.