FAALLO: DF oo dabin kale ku dhacday

3dii iyo 4 tii isla bishaan August  bay ahayd markii shirkii aan ugu yeeray guuldaro, ay dawlada madaxweyne Hassan Shiik uga qayb gashay magaalada Kampala. Sida aan markaas sheegay Soomaali badana ay ila qabto 39 kii qodob o kasoobaxay shirkaas wuxay meelka dhac ku ahaayeen qaranimada umada iyo wadanka Somaaliyeed.

Nasiib daro dawladu ma aysan fahmin xad gudubka loogaystay madaxbanaanida (Sovereignty) wadanka oo ay ayadu gacmaheeda ku keensatay. Shirkaas waxaa loogu raad gaday xadgudubyadii ciidamada Kenya ay kagaysteen gobolada jubooyinka iyo gedo oo maxkamadda ICC loogudbiyay. Intaas kaliya maa hee qaladaad siyaasadeed oo aan markaas kahadlay baa Kampala kadhacay.

Shirkaas Kampala waxaa kaloo lagu sahamiyay sida ay dawladu unugushahay una talo iyo tacliin yartahay marka laga hadlayo xagga wada xaajoodka siyaasadeed iyo sharciyada ku taxaluqa siyaasadda caalamiga ah. Waxay dawladaha dariska ah ay fahmeen in aan waxba iska badalin sidii dawladihii kumeel gaarku udhaqmi jireen. Sida:

  • In lasaxiixo warqad walba of miiska lasoosaaro ayada oon lagafiirsan
  • In go aamada masiirka umadda saamynaya sidagdag ah loo qaato ayadoon laga fakarin
  • Iyo in loo sahlo dawladaha shisheeye in ay faragaliyaan Soomaaliya.

Arintaas markii dawladaha dariska ah ay xaqiijiyeen waxay abaabuleen isla markiiba shirkan  Addisababa kadhacay si loo dhamaystiro mu aamaraddi lagu soomaleegay Kampala, loona baa bi’yo halqodob oo ay dawladdu markaas maslaxad moodaysay laakiin dad badani arkayeen in uusan dhab ka ahayn dawladaha daris ka ah.

Hadaba aan fiirino qodabada shirkaan kasoobaxay iyo cawaaqib xumadda ay u keeni karaan qaranka iyo umadda soomaaliyeed.

  • Waxay dawladu ogolaatay maamulkii ay Kenya dhisatay si ay ugu qabsato goboladda jubooyinka
  • Waxay Ethiopia u ogolaatay in ay ayaguna maamushaan gobolka Gedo ( xasuuso in heshiiskan cusub ay kujirto in gobolka Gedo aan maamulkiisa lamagacaabi Karin maxaa yeeley Ethiopia ayaa dhisatay.
  • Waxaa meesha lagu xaliyay khilaaf hoose of udhexeeyay Kenya iyo Ethiopia xagga maamulka jubooyinka iyo gedo( Sooma’aragtid sida ay uqaybsadeen sadexda gobol)
  • Waxay dawladu ku xad gudubtay dastuurka wadanka, waxayna aqonsatay maamul aan dadku dhisan oo Kenya laga keenay.
  • Kabadarane, waxay maamulkan siisay dhul uusan hadda katalin qorshahana ugujirin in uu kataliyo. (Meeyay sharcigii dawladu lahayd waan ilaalinaynaa)
  • Waxay marlabaad duudsiday dadkii Kenyanka iyo xulafadooda ku xasuuqeen jubooyinka iyo gedo( meeday xuquuqdii umadda Soomaaliyeed ee maalmahan dawladu kahadlaysay)
  • Waxay dawladdu sahashay in  colaad cusub kadhalato goboladan iyo in gobolo kale ay ayaguna maamulla sharci daro ah sida midkan oo kale.
  • Tan ugu daran in cid walba oo wadamada dariska ah Soomaaliya kusoo hogaamiya lagu abaalmariyo xukun iyo madaxnimo sidii hore udhici jirtay( Xasuuso qaa inu wadan halyay qaran laga dhigayo)

Hadaba taladaydu waxay tahay in dawladu dib isugu noqoto oo ay saxdo qaladaadkan badan oo wadanka iyo madax banaanidiisa ay ka galayso. Tan labaad, in talada wadanka nidaam dawli ah lagu maamulo oo aysan dhicin in shakhsiyaad koobani is qaataan. Tan sadexaad waa in dib loogu noqdaa heshiis yadii Kampala iyo Addisababa. Iyo tan afraad oo ah in wadamada dariska ah iyo hagardaamadooda laga hortago si aysan wadan 22 labaatan sano oo bur bur ah ugucelin.

 W/Q: Hussein Qurac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online