7 faa’iido oo Dowladda Somalia ugu jirta heshiiska ay la gashay Jubba

Waaxaan cidna ka qorsooneyn in heshiisku yahay kheyr sida quraankuba noo sheegay قال تعالي والصلح خير
Hadaba waa maxay faa,iidada ugu jirta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed intaba heshiiskaan?

Waxaa lagusoo kobi karaa faa,iidada heshiiskaan ilaa 7-qodob oo waaweyn sida :-

1-Waxaa ka faa,iidaaya 2-da dhinac ee heshiiyay dowladu wexey heshay deegaan weyn oo muhiim ah oo kusoo biiray dhulka ey ka taliso oo awooda dowladu maamul ahaan iyo meletari ahaanba ey ku faafeyso halka Sh Axmad Madoobana uu isna helay aqoonsiga dowladda Soomaaliya iyo maamulkii oo asaga gacantiisa ku jira ilaa 2-sano si sharciya hadow si saxa u shaqeeyo oo qaranimo iyo dadkasbasha ahna la hubo in dib loo dooran doono mustaqbalka.

2-In heshiiskaasu ow ilaalinaayo sharafta iyo madaxbanaanida Soomaaliya ee ey xaq u leedahay in dowladda Soomaaliya ey dalkeeda iyo dadkeeda ey toos ula heshiiso faragelinta shisheeyana meesha ka baxdo taasoo ah guul weyn oo siyaasadeed oo ey 2-da dhinac ey taaba geliyeen shacabka soomaaliyeedna laga rabo iney ugu hanbalyeeyaan.

3- Heshiiskaanu woxow albaabada u furaayaa in gobolada kale ee weli aan dadkoodu ka tashan dhismaha deegaanadooda iney wax badan ka faa,iideestaan arimaha maamul u sameynta JUBOOYINKA siiba maamul goboleedyada hadda laga diyaarinaayo gobolada dhexe ee 3-da ah sida mudug,gal guduud,iyo hiiraan. sidoo kale gobolada EX BANAADIR iyo gobolada BAY iyo BAKOOL haddaba haddii bartamaha iyo kofurta somaliya ey ka dhismaan 4-taas maamul goboleed oo hadda la yagleeyay kan jubooyinka kuwakale ee 3-da ahna faraha lagu haayao ayaa iyaduna ah tusaale wanaagsan oo maamulkaanu uu sinaayo gobolada kale.

4-Waxaa heshiiskaanu meesha ka saaraayaa shakigii laga qabay dowladda dhexe iney ogoshahay in dadku ey dhistaan maamul goboleedyo iyagu ey soo doorteen taasoo maalmahaan dadbadan oo siyaasiyiin ahu ey dowlada ku eedeynaayeen hasa yeeshee ey hadda cadaatay in tuhunkaasu meesha ka baxay dowladda Soomaaliyana ey ogoshahay in dadku madaxdooda deegaanada ey iyagu doortaan laakin ey arintaasu ahaato mid waafaqsan sharciga iyo distuurka.

5-Heshiiskaanu woxow jaanis weyn siinaayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee maleeshiyaadka ah oo helaaya iney ka guuraan maleeshiyaad qabiil una guuraan ciidama qaran taasoo wax badan ka tereysa xagga nabadgelyada wadanka iyo in laga maarmo ku tiirsaanaanshaha ciidamada shisheeye iyo soo afjarida dagaalada iyo isubowda qaawinta qabaa,ilka dagaaladu ragaadiyeen taas bedelkeedana dalka loo dhiso ciidan qaran oo taya leh.

6- Waxaa laga faa,iidaayaa heshiiskaan in dadka Soomaaliyeed ee dagaaladii iyo dulmigii wadankaan ka taagnaay muddo 50 sano ka badan in laga daawoobo oo dib loogu heshiiyo wada maamulidda deegaanada leesla dego oo qabaa,ilku ey si xaq ah wax u qeybsadaan dadki sedbursiga raabayna isha la wada saaro looguna duceeyo in ilaahey iimaanka geliyo, si loo bilaabo dibu dhiska dalka iyo horumarintiisa.

7-Waxaa meesha ka baxay dowlad goboleedyo gacan ku rimis ah oo loogu talagalay in dowlada dhexe lagu wiiqo laguana arbusho sida ninki shirbay yiri (DAR ALLA LOOMA DUUBINE DAASHAA LAGU DUMIRABAA). iyadoo marmarsiimo looga dhiganaayo waa in dadka loo ogolaadaa iney iyagu dowlado qabyaalad ku dhisan oo aan dowlada dhexe shaqo ku leheyn iyo xeeraraka adalka loo dhisay taasoo ah khatar weyn oo dowladnimada iyo qaranimadaba wiiqeysa taasna hadda meesha waaba ka baxday oo waxaa la helay qaab y dadkuna maamuladooda ku dhisan karaan dowladdoodana u hoos imaankaraan.

Haddaba walaalayaal iyadoo maanta loo baahanyahay in dalka si dhaqsa ah loo yagleelo dowladnimadiisa iyo amaankiisa waa in dowladda dhexe iyo maamulkaasba loo hanbalyeeyo leeskana ilaaliyo dantaas weyn ee qaran in laga dhex akhriyo dano yar ayr ee qabiil amaba qofeed tan qarankana indhaha laga qabsado taasoo ah mid u khidmeyneysa cadawga umada iyo kuwa argagixiska ku qaraabta.

waxaan ilaahey ka baryeynaa in ilaahey xaalkeena noo hagaajiyo aamiin.

walaakiin Sheekh Cali Wajiis
caliwajiis@hotmail.com 

W/Q: Hussein Qurac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online