Madaxweynaha oo loo diray digniin ku wajahan wada-hadallada Jubaland

Mudane Madaxweyne fadlan ka joog wada hadalada Jubbaland

Mudane Madaxweyne, Xasan Shiikh Moxamuud,

Waxaa xilweyn kaa saaranyahay ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia maadaama Somalia tahay dal xor ah oo madaxbanaan. Haddii aad heshiis la gashid Axmed Madoobe iyo milliishiyaadka uu maamulo ee ka soo duulay kuna wada dhashay Itoobiya iyo Kenya ogow inaad qaranimadii Somalia ka tanaasushay. Waxaad ilaa maanta ka dhaadhicin la’adahay Beesha Caalamka in Kismaayo iyo Gobollada Jubooyinku ay ka tirsanyihiin Somalia oo ah dal xor ah, kuwa ku soo duulay ee qabsadayna ay yihiin Somalida Kenya iyo Somalida Itoobiya oo aan u dhalan Somalia.

Waa inaad Beesha Caalamka ka dhaadhicisaa in lagu soo duulay Somalia, ummadaadana u diyaarisaa sidii loo xorrayn lahaa Kismaayo iyo Jubooyinka haddii beesha caalamku ku fashilanto inay Kismaayo iyo Jubooyinka ka saarto Ciidamada Kenya, Milliishiyada Reer Kenya iyo Milliishiyada Reer Itoobiya.

Marnaba halla fadhiisan, halla hadlin hana aqoonsan Axmed Madoobe iyo Kooxdiisha ka soo duulay Kenya iyo Itoobiya ee cadawga Somalia dabada ka riixayo si loo kala dhantaalo qaranimada Somalia iyo wadajirka Dalkeeda. Ha ka gelin taariikhda baal madow. Haddii aad aqoonsato Axmed Madoobe ogow in Somalia dal ahaan kala burburayso oo aanay jiridoonin qaranimadeedu lana kala boobayo, ogow inay wadaninmadu dhimanayso, ogow inaad adigu ka mas’uul noqondoonto taariikhdaas xun.

Shacabka Somalia waa inuu fadhiga ka kacaa oo ka dhiidhiyaa dalkiisa la kala boobayo, qaranimadiisa la burburinayo, wadaninimadiisana loo gefayo. Waa inaad ku qasabtaan Madaxweyne Xasan Shiikh Moxamuud inaanu kala dhantaalin qaranimada Somalia oo u sadqayn Kismaayo iyo Jubbooyinka dad aan u dhalan Somalia inay gacanta ku dhigaan gobolladii ugu qiimaha badnaa uguna qanisaan Somalia, mustaqbalkana ka barakiciyaan dadka Jamhuuriyadda Somalia ee u dhashay gobolladaas. Waa inaad shacabyahow ku qasabtaan madaxweyne Xasan Sh. Moxamuud inuu deg deg u joojiyo wadahadalada uu la leeyahay Axmed Madoobe. Ogaadaa shacab ayaa badbaadiyaa dalkiisa iyo qaranimadiisa. Kuwa dibeda jooga iyo kuwa gudaha joogaba waa inay fadhiga ka kacaan kana dhaadhiciyaa adduunka in waxa Jubbooyinka ka socda lagu burburinayo qaranimada Somalia laguna kala dhantaalao wadajirka dhulkeeda. Maanta Somalua waxaa ay maraysaa meeshii ay ku burburilahayd ama ku badbaadilahayd.

Saxaafadda Somalia waa inay u kala cadyihiin siyaasadda iyo wadaninimada, waa inay wax kasta ka hormarisaa wadaninimada oo u sarajoigsataa wax ka badbaadinta qaranka iyo dhulka Somalia, waa inay tooshka ku ifisaa qaran-dumisyada shisheeyaha la safan ee u ordaya in la burburiyo Somalia. Saxaafaddu waa inay hormood u noqotaa xilligan adag ee lagu badbaadinayo qaranimada iyo dhulka Somalia.

W/Q: Ibrahim Hassan Moxamed
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online