Waa kuma Danjire Axmed Cabdi Salaan, Muxuu soo kordhin doonaa?

Danjiraha Cusub ee Dowladda Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa, Axmed C/salam Xaji Aadan ayaa warqadihii aqoonsiga laga guddoomay, waxaase su’aashu ay tahay, muxuu kusoo kordhin karaa Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya?

Madaxweynaha Itoobiya iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa daris-wanaaga labada wadan.

Dadka u kuur gala Siyaasada Soomaaliya ayaan wali saadaalin karin doorka Axmed C/salaam uu ka qaadan doono xal u helidda shakiga iyo khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Axmed 5Axmed ayaa saaxiib weyn la ah wadanka Itoobiya, waxaana la sheegaa in uu gacan saar la lahaa Hogaamiyihii geeriyooday Meles Zanawi, waxaana Axmed C/salaam lagu xasuustaa xalkii uu ka gaaray dhibaatadii Allaha u naxariistee C/llahi Yusuf oo uu ku guuleystay inuu uga dheereeyo Itoobiya, kadibna uu ka saaro Shaashada Siyaasadda Soomaaliya, ilaa markii dambe ay IGAD ku qasabtay Col. C/llahi Yuusuf inuu ka baxo Soomaaliya oo uu dego waddanka Yaman.

Col. C/llahi Yusuf ayaa markii uu dhiman rabay ku dardaarmay in Soomaalidu ay iska ilaaliso Itoobiya, oo uu ku sheegay inay isaga badeen dhibaato iyo ciil ku dambeeyay inuu musaafuris ugu noolaado wadanka dibadiisa.

Col. C/llahi Yusuf ayaa si cod dheer ugu sheegay buugiisa in Itoobiya ay mas’uul ka tahay burburka daba-dheeraaday ee Soomaaliya ay ku jirto hada, wuxuuna Col. C/llahi Yusuf u muuqday nin hilmaamay inuu isagu ahaa ninkii ugu horeeyay ee u galay Itoobiya kadibna uga soo duulay Soomaaliya gudaha Itoobiya, maadaama uusan isagu qiran qaladkiisii cafisna uusan ku warsan umadda Soomaaliyeed buugiisa uu qoray.

Su’aasha hada isweydiinta mudan waxay tahay, Axmed C/salaam ma wuxuu noqon doonaa muwaadin Soomaali ah oo Itoobiya ka dhaadhiciya in danta labada wadan ay ku jirto inay heshiiyaan kuna wada noolaadaan nabad iyo darisnimo wanaagsan. Mise wuxuu noqon doonaa saaxiib Itoobiya oo danta Itoobiya uga dhex fuliya dowladda Soomaaliya?…Waqtiga ayaa sheegi doona.

Xigasho: Keydmedia.net