Arday macallinkooda dugsi qur’aan ku dishay MUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug oo howlgallo ka sameeyey duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay labo wiil oo la shalay in saacadihii lasoo dhaafay macalinkooda dugsiga Qur’aanka ay ku dileen gobolka Mudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada amniga oo kaashanaya bulshada deegaanka ay gacanta ku soo dhigeen laba arday ee lagu eedeeyey dilkii loo geystay Macalin Cabdisalaan Ilkawayne oo si arxan darro ah u dhacay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradaasi loo soo gudbiyey dhinaca koonfurta degmada Gaalkacyo, isla-markaana lagu xiray saldhigga Booliska ee magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka ayaa xaqiijiyey soo qabashada dhalinyaradaasi, iyaga oo sheegay inay haatan wadaan baaritan ku aadan dhacdadaasi.

Macalinka ayaa xilliga la dilayey ku sugnaa gurigiisa, isla-markaana hurdayey, iyada oo dilkiisa loo adeegsaday Faas & Maqaro sidaasina uu ku dhintay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka arxan darrada ah ee loo geystay macalin Cabdisalaan oo caan ka ahaa gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Dhacdadan argagaxa leh, isla-markaana si aad ah loo hadal hayo ayaa shalay ka dhacday deegaanka Laan-Kadawo oo 25 KM u jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.