Waa kuma taliyaha awooda badan ee ay ka cabsadaan siyaasiyinta Koonfur Galbeed?

Baydhaba (Caasimada Online) – Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maalmahaan aad loo hadal haayaa, islamarkaana ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka cabanayaan taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo saldhigtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay. 

Taliye Mahad ayaa bilooyin ka hor ka baxay Muqdisho, isagoo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliya, waxa uuna Baydhaba ka noqday shaqsiga loogu hadal heynta badan-yahay, waxaana aad uga cabanaya siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee ku dhow dhow xubnaha mucaaradka ah. 

Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ma jirto xil muuqda uu ka haayo Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxa uu saaxiib iyo ehal dhowba u yahay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taasoo ka dhigtay in uu aad uga soo dhax-muuqdo siyaasiinta Koonfur Galbeed. 

Lafta-gareen waxa uu qabaa gabadha uu dhalay taliye Mahad, oo lagu magacaabo Zamzam Mahad Cabdiraxmaan. 

Ilo kala duwan waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in Jeneral Mahad uu kamid yahay shaqsiyaad go’aanka ugu dambeeya ka qaata waxyaabaha qaar ee quseeya siyaasadda iyo ammaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale siyaasiinta ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed waxay aad uga cabanayaan Kulane Jiis oo kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ee saldhigga ka dhigtay Baydhaba, todobaadyadii la soo dhaafay. 

Koonfur Galbeed, waa maamulka loogu cabashada badan yahay xiligan, waxaana isa soo taraya qeyla dhaanta siyaasiinta mucaaradka ah oo sheegay in si gaar ah loo beegsanayo. 

Lafta-gareen ayaa dhowaan liiska Aqalka Sare kusoo daray wiilal qaba laba gabdhood oo uu dhalay Jeneral Mahad, kuwaas oo kala ah; Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya oo qaba Anisa Mahad Cabdirahman, iyo Dr. Xuseen Maxamed Daahir oo qaba Ilhaan Mahad Cabdirahman.