27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Arin yaab leh oo lagu arkay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxaa maanta lagu arkay arin mucjiso ah kadib markii la helay gabar yar oo qoorta laga jaray, kadibna meel god ah lagu riday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gabadhaasi qoorta laga jaray lagu riday goob qashinka lagu guri jiray.

Gabadha ayaa da’deeda lagu qiyaasay 15 ilaa 20 sano jir, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay arinta ka dambeeyeen dad ay u shaqeyn jirtay.

Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in meydka ay iyaga kasoo saareen godka, kadibna ay aaseen.

“Ninyahow intaan la gaarin labaajada Mahad Alle, ayaa lagu arkay gabadha oo qoorta laga jaray oo god lagu riday, waxay u muuqataa in xalay la gowracay, ilaa shan saac ayaan heynay, kadibna waa la aasay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Maalintii Isniinta ayay aheyd markii haweenay Soomaaliyed ay gabadheeda ku dishay aalada Maqar-ka kadib markii siday sheegtay ay guursatay nin aysan la jecleysan oo seddex ciyaal ah ay u dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News