27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Kullan u dhexeeyey beesha caalamka, Xasan & CC oo ka dhacay Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Villa Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan aan caadi aheyn ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Cumar C/rashiid iyo Diplumaasiyiin ka socta Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ay uga wada hadleen Arrimaha Xukuumada Cusub, waajibaadka Ra’isul wasaaraha cusub iyo sidii looga badbaadi lahaa Khilaaf mar kale soo laabta.

Sidoo kale, kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka ahaa kulan xalay ka dhacay Madaxtooyada Somalia kaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay.

Waxaa sidoo kale kulanka banaanka ka jooga Saxaafada madaxbanaan waxaana la filayaa in Cumar C/rashiid ay Beesha Caalamka si gaar ah kala hadli doonto arrimo gaar ah oo khuseeya magacaabista xilka Ra’isul wasaarenimo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Beesha caalamka ka iibinayaa Ra’isulwasaaraha Cusub ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo kaasi oo loo badinaayo inuu noqon doono Cumar C/rashiid, waxaana shaqsiyada CCC Sharmaarke soo dhaweeyay Xubnihii ka socday Beesha Caalmaka ee kulanka la qaatay labada Mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News