Armenia oo qiratay jab weyn – ‘2,317 oo ASKARI ayaa lagu dilay dagaalka Azerbaijan’

Yerevan (Caasimada Online) – Armenia ayaa Sabtidii sheegtay in, in ka badan laba kun oo askari looga dilay dagaalkii socday lixda toddobaad ee ay la gashay Azerbaijan, ee ka dhashay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno Karabakh.

“Illaa iminka, waxaan xaqiijinay geeriday 2,317 oo askari, oo ay ku jiraan kuwa aan weli la aqoonsan,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay facebook ku tiri Alina Nikoghosyan oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka Armenia.

Dagaalka oo socday ku dhowaad laba bil ayaa soo geba-geboobay toddobaadkan kadib markii labada dal ay gaareen heshiis xabad joojin oo Ruushka uu kasoo shaqeeyey, kaasi oo Armenia oo ay ku dhiibtay dhul badan oo ay qabsadeen Azerbaijan.

Ciidamada Azerbaijan marnaba shaaca kama qaadin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, hase yeeshee tirada guud ee khasaaraha dagaalka ayaa la rumeysan yahay inay aad uga badan tahay inta la shaaciyey.

Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in tirada dhimashada dagaalka ay ka badan tahay 4,000 oo qof, islamarkaana lagu dhaawacay 8,000 oo kale.

Ugu yaraan 143 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka.