Xog: Madax goboleedyada iyo madaxweynayaal hore oo yeelanaya kulan go’aan looga qaadanayo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiin kale ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda doorashada Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Nairobi islamarkaana qeyb ka ah kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta kulankii ugu dambeeyay uu ka dhacayo Nairobi kadibna loo safri doono Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka ah.

Dhinacyadaan ayaa ka shiri doono doorashada Soomaaliya, gaar ahaa arrimaha guddiyada doorashooyinka oo cabasho laga qabo, dooda guddoomiyaha golaha Aqalka Sare iyo dhibaatooyin kale oo doorashada ku geedaaman.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa siyaasiinta ka soo jeeda HirShabeelle, Galmudug iyo Gobalka Banaadir ku eedeeyay in dhankooda aysan ka go’neen in la muujiyo dareen dhab ah oo ka tarjumaya guddiyada u badan ciidanka NISA iyo Shaqaalaha dowladda ee doorashooyinka Qaranka maadaama inta ugu badan ay ka soo galeen maamulada Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo Jubbaland.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu wadaa in kulankaan kadib ay qaataan go’aan ay ku soo magacabayaan guddiyada xagooda ku dhiman ama in ay soo saaraan go’aan u gaar ah oo ay ku muujinayaan dareenka ay ka qabaan qaabka loo marayo magacaabista guddiyadda Farsamada iyo Xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya. Labadaan maamul ayaa la dhacsaneen, sida ay wax u-wado Villa Somalia