Qarax sababay dhimasho oo ka dhacay Somaliland iyo wararkii ugu dambeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Qarax miino uu shalay galinkii dambe ka dhacay degmadaasi, kaasi oo sababay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa miinada ayaa haleelay gaari bas ah oo marayey duleedka degmada Balli-dhiig, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo hadda lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad Isbitaal ku yaala gobolka Togdheer ee Somaliland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gaariga Baska ah ee ay la kacday Miinadu uu lahaa dugsiga sare ee degmada Balli-dhiig, iyada oo xiliga uu la kulmay qaraxa aysan saarneyn wax ardey ah.

Mana jiro ilaa hadda faah-faahin dheeriya oo kasoo baxday maamulka iyo laamaha amniga oo ku aadan qaraxa Miino ee sababay dhimashada.

Qaraxyada noocan ayaa inta badan ku yar deegaanada Somaliland, mana cada sababta loo dhigay miinadaasi, iyada oo muddooyinkii dambe ay soo baxayeen warar la xiriir in maleeshiyaad argagixiso ah ay u sooo gudbeen deegaanada Somaliland.