Sawir muujinaaya khilaafka isku shaandheynta DFS oo laga sameeyay Xasan, Faarax iyo CCC

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa waxaa laga sameeyay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir oo Ra’isul wasaaraha dalka la dheelaya Siyaasad muujineysa dhismaha Xukuumada Cusub iyo inay ka dhex muuqdaan Xubno ay raali ku yihiin Xassan iyo Faarax.

Sida Sawirka ku cad Xassan Sheekh oo aad uga careysan qaab dhismeedka Xukuumada cusub ayaa waxa uu si hoose ugu gudbiyay warqada lagu hardhay magacyada xubnahaasi Faarax C/qaadir si uu uga fiiriyo amaba uu isha ula raaco in liiskaasi uu yahay rabitaankooda iyo in kale.

Sawirkaani ayaa ka turjumaayo khilaafka ka taagan qabka leysugu bedeli lahaa Xukuumada hadda taagan iyo Xukuumada cusub.
faarax