R/W CC & Axmed Madoobe oo gaaray Dhadhaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen Xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan kumanaan Qaxootiga Somalia ah.

Ra’isul wasaare Sharmarke ayaa waxaa wehlinaya Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada gole ee dalka.

U jeedka socdaalka ay ku tageen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa Xeryaha Dhadhaab ayaa ah u kuurgalida xaalada Qaxootiga Soomaalida iyo wixii ka hir gelay heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo ku aadanaa dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaas ku jira.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya waxaa ku nool Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso Nus Malyuun qof kuwaasi oo halkaas ku sugnaa mudadii 25-ka sano ee waddanka aanu ka jirin Nidaam rasmi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com