Xog: Khilaaf ka dhex curtay Xasan Sheikh iyo CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka howlgala Villa Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaaf aan sidaa usii buurneyn uu ka dhextaagan yahay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa kusoo waramaaya in Madaxweyne Xassan uu soo jeediyay in Golaha wasiirada cusub ee ku imaan doona isku shaandheynta lagu soo biiriyo wasiiradii ay horay u diideen BF ee lala xiriirinaayay inay yihiin garbihiisa Siyaasadeed.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa isna qaba in Xukuumada cusub ee imaan doonta ay u badnaadan kuwo ku cusub Siyaasada, haddii ay noqoto in xubno cusub lagu soo biiriyo kaliya lagu soo celsho kuwa hadda xilalka hayo iyaga oo loo kala bedelaayo xilalka.

Madaxweyne Xassan ayaa isagu aad uga didsan wajiyada cusub ee uu iminka lasoo baxay Ra’isul wasaare Cumar bacdamaa ay isku afgaran la’yihiin.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa isagu diyaariyay inta badan Xubnaha cusub ee isku shaandheynta ku imaan doono, balse waxaa lasoo warinayaa in khilaafka uu yahay mid ka taagan cida loo dhiibi lahaa tirro wasaarado oo ahmiyad gaar u leh Madaxweyne Xassan.

Lama saadaalinkaro halka ay cagta dhigan doonto Khilaafkaani iyadoona ay xusid mudan tahay haddii uu sii baaho in Xassan Sheekh uu ku bixi karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com