Fadeexad ka dhex taagan garoonka Adan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah garoonka uu isku bedelay suuq lagu iibiyo macmacaanka iyo dharka celiska ah.

Sargaal ka howlgala garoonka ayaa xaqiijiyay in garoonka ay ka taagan tahay maamul xumo, waxa uuna tilmaamay in waayahaani danbe gudaha garoonka uu isku bedelay mid kamid ah suuqyada muqdisho.

Waxa uu sheegay in gudaha garoonka lagu iibiyo dharka celiska ah, Macmacaanka iyo alaabo kale oo aan munaasab aheyn in halkaani laga sheego.

Waxa uu sheegay in xiliyada qaar ay Ciidamada AMISOM ee jooga afafka hore ee garoonka ay dadka sagootinta u imaaday garoonka ka qaatan lacgo shaxaad ah, taasina ay dhowr jeer u gudbiyeen maamulka balse aysan u muuqan in la doonaayo in wax laga qabto.

Waxa uu carabka ku dhuftay in xiliyada qaar aad ku jahwareereyso gudaha garoonka, hayeeshee taasi ay tahay maamul xumada ka taagan garoonka oo laga dhigay sharci.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in garoonka ay ka howlgalaan dhalinyaro u kala turjumto Ciidamada AMISOM iyo dadka shacabka ah ee bixinaaya shaxaadka waxa uuna farta ku goday in taasi ay amni xumo bilow u tahay.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili wasaarada khuseysa arrimaha duulimaadka ay ka gaabisay howsheeda, iyadoo aysan jirin cid howshaasi kala xisaabtanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com