XOG culus: QM oo mar kale kashiftay qorshaha Damu-Jadiid ay damcsan yihiin doorashada 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda dabagalka caalamiga ah ee QM u qaabilsan dabagalka Dowladaha Somalia iyo Eritrea ayaa mar kale soo saaray warbixin ay walaac uga muujinayaan doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Warbixinta Kooxdaani ayaa waxaa lagu sheegay in walaac ay ka qabaan qaabka ay DF Somalia u diyaarineyso doorashada, waxaana lagu muujiyay in wali musuqa madaxda Qaranka ee qabanqaabineyso doorashada uu yahay mid halkiisa taagan oo aan waxba iska bedelin.

Kooxdu waxa ay sheegtay in garabka taabacsan Madaxweyne Xassan oo musharax ah ay ku dhaqaaqi karaan musuq maasuq iyo waliba ku takri fal awoodeed saameyn weyn ku yeelan doono doorashooyinka 2016 oo beesha caalamka ay sheegtay in aysan suurgal noqon karin in la sameeyo doorasho hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu sheegay inay jiraan ifafaalooyin muujinaaya in garabka Madaxweyne Xassan ay xiligaani bilaabeen dhaqaale uruursi si ay mar kale uga faa’iideystaan fursadooda.

Walaaca ugu badan ee heysta wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa ah in mar kale uu soo laabto Madaxweyne Xassan oo muddo 2 jeer sheegayna inuu yahay musharax u taagan qabashada madaxtinimada Somalia.

Dhanka kale, Kooxdu waxa ay farta ku goday in doorashooyinka madaxweyne ee ka dhaceysa Somalia sanadka 2016 ay la mid noqon doonto tii Somalia ka dhacday 2012.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com